Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Federaalka ayaa sheegay in meel wanaagsan ay marayaan dhismaha maamulada haray, isagoo ka dhawaajiyay in dhowaan la guda geli doono maamul u sameynta Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe.
Wasiir Odawaa oo shalay la hadlayay warfidiyeenada ayaa sheegay in wada hadalada ku saabsan maamul u sameynta Gobollada Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe ay socdaan, waxaana uu tilmaamay in maalmaha soo socda laga soo saari doono horu dhac siyaasadeed.
“Arrinta Maamul u sameynta Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe wada hadalkooda waa socdaa, dhowaan waxaa rajeyneynaa in laga soo saaro horu dhac siyaasadeed”ayuu yiri Wasiir Odawaa.
Dhinaca kale Wasiirka ayaa sheegay in Wasaaradda ay ku howlan tahay sidii loo dhameystiri lahaa Maamul goboleedyada dhiman, waxaana uu xusay in ka hor sanadka 2016 ay rajeynayaan in dhamaan maamulada ay dhismaan.
Kulamo ku saabsan arrimaha maamul u sameynta Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe ayaa ka socda Magaalada Muqdisho, iyadoo dhowaan dowladdu ay Muqdisho ugu yeertay Guddoomiyeyaasha Gobolada Shabeellaha Dhexe iyo Hiiraan, si looga tashato arrimaha maamul u sameynta goboladaas.