Xili Maamulka Ahlusunna ee Gobolada Dhexe Dalka Soomaaliya Gaar ahaan Garabka qabsaday Degmada Gurceel ay sheegeen in aysan Ciidamadooda Jooga Gurceel kala bixi doonin halkaasi ayaa waxaa loogu baaqay in Ahlusunna ay Ciidamada kala baxdo.
iimaan C/llaahi Khaliif Rooble oo ah iimaamka Beesha Habar gidir ayaa ugu baaqay Ahlusunna in ay Ciidamooda Deg Deg kala baxdo Magaalada Gurceel si dadkii ka barakacay Magaalada ay dib ugu soo laabtaan.
Maalmo ka hor ayaa Ciidamadii Milatariga ee Joogay Duleedka Gurceel laga raray halkaasi,waxaana la geeyay Ciidamada Amisom.