Shirka Somalia loogu qabanayo Copenhagen ayaa goor dhow furmay, iyadoo shirkan looga hadli doono inta uu socdo barnaamijka Hiigsiga Cusub ee Soomaaliya.
Shirkan ayaa waxaa wada-guddoomin doona madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud iyo mas’uul sare oo ka socda beesha calaamka, waxaana ku sugan hoolka uu shirku ka dhacayo ergooyin ka socda 140-dal oo caalamka ku yaalla.
Ra’iisul wasaaraha Denmark iyo wasiirka arrimaha dibadda Denmark oo ka hadlay furitaankii shirka ayaa sheegay in labada casho ee uu shirku socdo looga hadli doono qodobbo ay ka mid yihiin aragtida 2016-ka, taasoo uu qorshaheedu yahay in Soomaaliya ay ka dhacdo doorasho.
Qodobbada looga hadlayo maanta oo ah maalinta koowaad ee shirka ayaa waxaa ka mid ah; waxyaabihii u qabsoomay Soomaaliya, sida dhismaha maamullada gobollada iyo u diyaargarowga doorashooyin dhaca 2016-ka.
Sidoo kale, waxaa ka mid ah; ammaanka sida horumarradii laga saameeyay dagaallada lagula jiro Al-shabaab iyo arrimaha bani’aadamnimada, si dadka Soomaaliyeed ay u helaan gargaar ku filan.
Iyadoo xirtaanka shirka maanta ay hadallo ka jeedin doonaan, ergayga QM ee Soomaaliya, Nicholas Kay, madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxmauud iyo wasiirka ganacsiga iyo xiriirka horumarinta Denmark, Mogens Jensen.
Dhanka kale, maalinta labaad ee shirka oo berri ah ayaa waxaa qodobbada looga hadli doono ka mid ah; dhismaha dalka iyo ammanka, kuwaasoo ay ka mid yihiin siyaasadda, cadaaladda iyo horumarinta dhaqaalaha Somalia.
Ugu dambeyn, waxaa shirka looga hadli doonaa bani’aadamnimada iyo sidoo kale iyo xal mustaqbalka fog ah oo ay Soomaaliya yeelato, iyadoo shirkan la filayo inay ka hadlaan xubnaha ka socda Beesha Caalamka kuwaasoo shirka kaga dhawaaqi doona ballan-qaadyo dhaqaale oo ay Soomaaliya ku taageeri doonaan.
Shirka ayaa la filayaa in lag soo saaro berri oo ah 20-ka November war-murtiyeed lagu qeexayo dhammaan waxyaabihii looga hadlay iyo is af-garadkii laga gaaray.