Quantcast
Channel: Dadkeyga,Dalkeyga News site » World News
Viewing all articles
Browse latest Browse all 10

Madaxweyne Xassan Sheekh oo xarunta Xalane uga qeyb galay shir

$
0
0

Madaxweyne_Xasan-300x169

201446635323504930851333Hassan_Sh_Mohamud_HOL_FPMadaxweynaha dowladda Soomaaliya ayaa lagu waramayaa in maanta buuqday xarunta Xalane ee magaalada Muqdisho halkaasoo uu kulan kula qaatay wakiilka QM ee Soomaaliya Nicholas Kay.

Labada mas’uul ayaa la sheegay in ay ka wada hadlleen go’aankii ay dhawaan soo saareen xildhibaanno ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya, kaasoo ay madaxweynaha kaga dalbadeen inuu is-casilo.

Kulankan ayaa imaanaya iyadoo xildhibaannadii baaqa soo saaray ay shalay la kulmeen madaxweyne Xasan Sheekh ayna u gudbiyeen qoraalkii baaqooda si uu jawaab uga bixiyo.

Xasan Sheekh ayaa kulanka xildhibaannada kaddib wuxuu soo saaray qoraal uu ku sheegay inuu soo dhaweynayo fikirka xildhibaannada, balse ay tahay inay soo maraan dariiqa uu tilmaamayo dastuurka dalka.

Sidoo kale, xildhibaannada qaarkood ayaa waxay gellinkii dambe ee shalay kulan la qaateen danjire Kay, iyagoo si aad ah ugala hadlay baaqooda, waxaana qaar ka mid ah xildhibaannadu ay sheegeen inay u sheegeen ergayga in baaqooda uu fuliyo madaxweynaha.

Danjire Nicholas Kay ayaa isaguna shalay sheegay inuu aad uga xun yahay in la dalbado xilligan inuu madaxweynuhu xilka ka dago, isagoo sheegay soo jeediyay in dowladda hadda jirta loo ogolaado inay xilligeeda dhameysato.

Lama oga go’aannada kasoo bixi doona kulanka madaxweyne Xasan Sheekh iyo danjire Nicholas Kay ay maanta yeelanayaan, isagoo noqonaya kii ugu horreeyay oo ay labadan mas’uul yeeshaan tan iyo markii ay soo if-baxday xiisadan cusub.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 10

Trending Articles