Image may be NSFW.
Clik here to view.
Image may be NSFW.
Clik here to view.
War saxaafadeed goor dhow ka soo baxay Taliska AMISOM ayaa lagu cadeeyay in Colonel Cali Aadan Xumad aanu aheyn Afhayeen u hadla AMISOM.
Qoraal ka soo baxay AMISOM ayaa lagu sheegay in Cali Aadan wixii hada kadib oo uu sheego aanu iyaga quseyn oo ay tahay wax isaga u gaar ah, isla markaana aanay ka turjumeyn warkiisa mowqifka AMISOM.
“Howl galka Midowga Afrika ee Soomaaliya waxaa jeclaan laheyn in aan cadeyno in Colonel Ali Aadan Xumad aanu aheyn Afhayeenka AMISOM”ayaa lagu yiri war qoraal ah oo ka soo baxay Taliska AMISOM.
Sidoo kale waxaa war saxaafadeedka lagu sheegay in wixii hada ka dambeeya arrimaha AMISOM wax laga weydiin doono Eloi Yao.
Wararka qaar ayaa sheegaya in sababaha Col. Cali Aadan loo eryay ay tahay wareyso la xiriira weerarkii shalay oo uu siiyay warbaahinta gudaha iyo kuwa caalamka, waxaana muuqata in AMISOM aad uga carootay hadaladii kala duwanaa ee uu Afhayeenkooda siiyay wakaaladaha wararka.
Col. Cali Aadan Xumad ayaa ka mid ah saraakiisha Jabuuti ee ka midka ah howl galka AMISOM, waxaana xilka Afhayeenimo loo magacaabay bishii July ee sanadkii 2012, xilligaasoo uu Afhayeenimada kala wareegay Col. Paddy Ankunda oo u dhashay dalka Uganda.
Shalay ayay aheyd markii rag hubeysan oo ka tirsan Al-Shabaab ay weerar ku qaadeen Xarunta Xalane, iyadoo muddo 24-saac ku dhow heystay qeyb ka mid ah xeradaas, iyadoo markii ciidamada AMISOM ku guuleysan waayeen inay ka saaraan dableydaas ay ciidamada sida gaarka u tababaran ee Hey’adda Nabadsugida iyo Sirdoonka Soomaaliya howl galka ka qeyb qaateen, iyagoo dilay kooxihii xarunta ku harsanaa.
Ma jirto wax war ah oo ka soo baxay dowladda Jabuuti oo ku aadan warka ka soo baxay AMISOM ee ahaa in Cali Aadan aanu u aheyn wixii hada ka dambeeya Afhayeen, iyadoo Jabuuti uu matalo Afhayeenka, maadaama xilalka sare ee Taliska AMISOM ay ku wada matalaan dhamaan saraakiisha dalalka ciidankooda ka midka ah AMISOM.