Quantcast
Viewing latest article 1
Browse Latest Browse All 10

Isku daygii lagu Qaarijin lahaa Guddoomiye ku xigeenka Xisbiga KULMIYE

Image may be NSFW.
Clik here to view.
images (1)

Gudoomiyaha xisbiga muxaafadka ah ee KULMIYE, Muuse Biixi Cabdi ayaa cambaareeyey isku-daygii dil ee lagu bartilmaamaysanayey gudoomiye ku xigeenka kowaad ee xisbiga kulmiye oo shalay niman hubaysani qori ku qabteen.

Gudoomiye Muuse ayaa sheegay inuu talaabo adag ka qaadi doonaan ragii ka dambeeyey inay toogtaan gudoomiye ku xigeenka xisbigiisa Maxamed Kaahin oo ka mid ah madaxda sare ee xisbigaasi, isla markaana ay aad iskugu dhow yihiin gudoomiyaha xisbiga.

Laba nin oo hubaysan oo la sheegay inay walaalo yihiin ayaa shalay isku dayey inay toogtaan gudoomiye ku xigeenka kowaad ee KULMIYE Maxamed Kaahin oo wakhtigaasi ku jiray hoteelka Lake Assal oo ku yaala magaaladda Hargeysa.

Haseyeeshee gudoomiye ku xigeenka Maxamed Kaahin oo warbaahinta qaarkood la hadlay ayaa sheegay in wax dhibaato ahi soo gaadhin, isla markaana wax rasaas ahi ku dhicin.

“Wax badan oo dhacay ma jiraan, wax dhib ahina ma jiraan ee niman dhallinyaro ah ayaa ila hadlay dad badanina way joogeen wax rasaas ahina  iguma dhicin”ayuu yidhi Maxamed kaahin oo ka gaabsaday inuu ka hadlo siday wax u dhaceen iyo sababta loo tooganayeyba.

Haseyeeshee wasiirka Arrimaha gudaha Cali Maxamed Warancadde ayaa sheegay inay qabteen qaar ka mid ah dadkii falkaasi ka dambeeyey, laba ka mid ahna lagu daba jiro.

Wasiirka ayaa sheegay inuu talaabo adag ka qaadi doono dadka ficiladaasi hanjabaada ah ee soo noqnoqonaya, isla markaana si degdeg ah maxkamada loo hor keeni doono.

Isku daygan dilka ayaa ah kii labaad ee ka dhaca magaaladda Hargeysa, iyadoo illaa hada waxba lagama qaban isku daygii lagula kacay xildhibaan Maxmaed Faarax Qabile oo isna sidanoo kale rasaas loogu furay, inkastoo xukuumaddu sheegtay inay xabsiga u taxaabeen ragii falkaasi sameeyey.

Illaa hadda lama garanayo sababta ay ragani hubaysani u tooganayeen gudoomiye ku xigeenka, haseyeeshee warar baa sheegaya inay ku lug leedahay khilaaf ka jira xulista ergooyinka iyo golaha dhexeba ee xisbiga KULMIYE ee ka qaybgalaya  shirweynahooga, inkastoo aanay xukuumadda iyo xisbiguba aanay si rasmi ah u cadeyn sababta masuulka qoriga loogu soo qaatay.

Dhinaca kale, labaddii maalmood ee udambeeyey ayaa amniga magaaladda Hargeysa aad loo adkeeyey, iyadoo baabuurta si adag loo baadhayey, taas oo wadooyinkii ka dhigtay mid cidhiidhi ah oo wakhti badan lagu habsaamo, waxaana ciidamo badan la dhigay goobaha isgoysyada ah oo gaadiidka lagu baadhayey, haseyeeshee taliyaha ciidanka Boolisku Cabdilaahi Fadal  waxa uu ku soo koobay inay tahay shaqadooda inay amniga adkeeyaan, laakiin ma sheegin waxa cusub ee soo kordhay, taasina waxay keentay inay dadku aad isku waydiiyaan waxa soo kordhay ee gaadiidka loo baadhayo.


Viewing latest article 1
Browse Latest Browse All 10

Trending Articles