Quantcast
Channel: Dadkeyga,Dalkeyga News site » World News
Viewing all articles
Browse latest Browse all 10

Madaxweyne Salva Kiir oo Shaaca ka qaaday in uu Fashil kusoo dhamaaday Qorsho Maanta lagu afganbin lahaa

$
0
0

savakir

savakirMadaxweynaha Dalka Koonfurta Sudan Salva Kiir ayaa maanta shaaca ka qaaday in fashil uu kusoo dhamaaday qorsho la doonayay in lagu afganbiyo kadib dagaalo culus oo Maanta ka dhacay Magaalada Jubba ee Caasimada Dalkaasi.

Salva Kiir oo Warbaahinta goor sii horeesay la hadlay ayaa sheegay in Ciidamada amaanka ay ka horgtageen ayna fashiliyeen qorsho la doonayay in lagu afganbiyo Dowladiisa waxa uuna xusay in hada xaalada ay tahay mid dagan.

Afganbiga fashilmay ayaa Madaxweynaha Dalka Koonfurta Sudan waxa uu ku eedeeyay in uu ka dambeeyay Madaxweyne kuxigeenkii hore ee Dalkaasi Riek Macha oo xilka ka dagay kadib markii ay isku dhaceen Madaxweynaha.

Dagaal Culus oon wali qasaarihiisa si rasmi ah loo shaacin ayaa maanta ka dhacay Caasimada Koonfurta Dalka Sudan ee Jubba waxaana Dagaalka la sheegay in uu u dhaxeeyay Ciidamo katirsan Milatariga Dalkaasi.

Madaxweynaha Koonfurta Sudan ayaa Bandow Xiliga habeenkii ah kusoo rogay Caasimada Jubba waxa uuna tilmaamay in Bandowga looga gon leeyahay in lagu xasiliyo amaanka .


Viewing all articles
Browse latest Browse all 10

Trending Articles